Golaha Wasiirada Fadaraalka oo ansixiyay sharciyo shirka Garowe looga hordhacayo

Golaha Wasiirada Dowlada Fadaraalka,ayaa goor dhowayd waxaa usoo ugu gabagaboobay shirkoodii Khamiislaha ahaa,waxayna Goluhu si aqlabiyad leh u meel mariyeen sharciga doorashooyinka oo muddo laga sugayay Golaha Wasiirada in ay meel mariyaan.


Sharcigan ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo maalmaha soo socda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, si ay u meel mariyaan, isla markaana Madaxweynaha uu digreeto ka soo saaro.


Ansixinta Sharcigan ayaa lagu tilmaamay mid looga hordhacayo shirka wadatashiga ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin magaalada Garowe maalinta sabtida ee socoto, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay la tagayaan sharcigaas oo la soo meel mariyay.


Ansixinta sharciyadan,ayay ahayd in la meel mariyo laba maalmood ka hor,waxaana la filayaa in ay Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalku ku gacansayraan meelmarintiisa.
Jibril Qoobey.