Video:-Ragii loo haystay Dilkii iyo Kufsigii Caa’isha oo Maxkamad lasoo taagay

Waxaa ilaa Sabtida dambe dib loo dhigay dhegaysiga eedaymihii loo haystay 10 nin oo loo haysto dilkii iyo kufsigii AUN Marxuumad Caaisha Ilyaas Aadan oo lagu diley magaalada Galkacyo.

Arrintaan ayaa waxaa loo sababeeyey in garabka eedaysanayaashu ay dalbadeen inay waraysiyo dheeraad ah la soo yeeshaan dadka eedaymaha loo haysto ee maxkamadda maanta la horkeenay.

In Maxkamad la horkeeno eedaysanayaashii Kufsiga iyo Dilka Caa’isha Ilyaas shacabka Puntland ee markii hore ka niyad jabsanaa siday wax usocdeen ayay u tahay talaabo ay ku farxeen.

Madaxweyne Deni,ayaa maalin ka hor sheegay in Sabtida Maxkamad la horkeenayo Ragii loo haystay Kiiska Caa’isha,hoos ka daawo muuqaalka.


Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=380970802510746&id=2048544028742900