Madaxweynihii ugu horeeyay Ee GALMUDUG oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Galmudug iyo aas-aasihii Maamulkaas Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay dalka Kenya, waxaana uu xalay saacada marka ay aheyd 4:30 uu geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Waxaa uu door weyn ku lahaa dhismihii Maamulka Galmudug oo sanadkii 2007-dii ka hana-qaaday Koofurta Gaalkacyo.

Amb. Maxamed Warsame Kiimiko ayaa soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobey, xilligii dowladdii Milateriga, sidoo kale waxaa uu soo noqday Safiir dalalka Faransiiska iyo Mareykanka.

Waxaa uu La Taliye sare u noqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo Madaxweyne Kimiko.