Video:-Bulshada Puntland oo ka carootay hadal kasoo yeeray…

Bulshada Puntland oo aad u canbaareeyay Odoyaal ka hadlay Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Odoyaasha,ayaa difaacayay danbiilayaasha kufsaday oo dilay Gabadhii yarayd ee Caasho Ilyaas.

”Wax cadayn cad ah oo Ragaas lagu helay majiraan,Xeer ilaaliyuhu waxuu cuskaday waxaan lagu kalsoonaan karin”ayay yiraahdeen Odoyaasha Burtinle ka hadlay.

Hadaba Bulshada Puntland gudo iyo dibad aad ayay uga xumaadeen ugana caroodeen hadalka kasoo yeeray ragaas ee ay ugu qiil dayayaan Danbiilayaal si cad loogu wada jeedo.

”Waa nasiib daro,waa damiir la’aan,waa ilhaamo in saakay la difaaco Niman kufsaday oo dilay Gabar yar oo 12-jir ah”sidaa waxaa yiri mid ka mid ah Bulshada kasoo jeeda Degmada Burtinle oo ka xumaaday hadalka Ragaas.

Maanta lagama filyan Qof Bini’aadan ah oo Muslin ah oo waliba Reer Puntland ah in uu Ragaas si cad udifaaco uguna raadiyo marmarsiiyo ay ku badbaadi karaan”ayuu yiri mid ka mid ah haldoorka Bulshada Burtinle.

Halkan ka daawo muuqaalka