Video:-Gaari ay la socdeen arday oo lagu rasaaseeyay Magaalada Muqdisho

War Goordhow ay baahisay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu rasaaseeyay Gaari ay la socdeen Arday waxka barata mid kamid ah Iskuulada ku yaalla Muqdisho.

Falkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Bar Koontarool oo Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Degmada Wadajir,isla markaana waxaa geystay Askari ka tirsan dowladda,waxaana ka dhashay Khasaaro.

Saddex Arday oo isla dhalatay ayaa xaqiijiyay in Gaariga la rasaaseeyay ay la socdeen,kuwaasi oo dhammaantood uu soo gaaray dhaawac,waxaana loola cararay mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Warar aan helnay ayaa sheegay in Ardaydaas lagu kala magacaabo Sakariye Daahir, Hodan Daahir iyo Safiyo daahir,iyagoona wax ka baran jiray Iskuulka lagu magacaabo Al-anwaar,waxaana ay dhiganayeen Fasalka 11-aad ee Dugsiga sare ee heerka Waxbarashada.

Halkan ka daawo muuqaalka