Muxuu ku salaysnaan doonaa socdaalka Madaxweyne Deni Ee Shiinaha

Madaxweynaha,ayaa ku sheegay safarkiisa shiinaha in uu la xiriiro mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin Garoonka diyaaradaha Galkacyo iyo Wadada Eyl-Garowe.

“Safarkeena Shiinaha aan ku tagayno haduu hirgalo waxyaabaha ugu waaweyn ee aan ka hadli doono waa mashaariic horumarineed oo qaybta ugu weyn ay Mudug ka leedahay oo ah garoonka diyaaradaha iyo mashaariic kale”

“Mashaariicdan waaweyn ee hada socda iyo kuwa imaan doona intaba Inshallaah dedaalka Dadweynaha iyo Dowladda oo is kaashaday ayey ku hirgaleen inta qabsoontay inta dhimana intaas ayeey ku hirgeli doonaan hadii Alle yiraahdo” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Socdaalkan,ayaa horay loo baajiyay xili Madaxweynuhu ku sugnaa Dalka Imaaraadka Carabta.

Kadib kulankii Safiirka Maraykanka ee Somaliya Yamamoto iyo Madaxweyne Deni ee Bosaso,ayaa dib loo qorsheeyay socdaalkaaas.

Maraykanka,ayaa ka walaacsanaa heshiis Puntland ay ku siinayso Shiinaha goobo laga sahmiyo shidaal kuwaasoo ku kala yaala Mudug iyo Nugaal,

Mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo iyo Wadada Eyl-Garowe,ayaa ah mid muhiim u ah Puntland,waxaana horay ubalanqaaday Dowlada Shiinaha oo ku badalan doonta qandaraasyo kaluumaysi.

Jibril Qoobey.