Video:-Xaaf iyo Deni oo Gaalkacyo ku kulmay

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani, ayaa maanta ku kulmay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug


Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhabaanada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug waxaana intiisa Badan looga hadlay xaalada guud ee amniga Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug oo ay wada degaan labada Maamul.

waxaa sidoo kale la isla soo qaaday halka ay marayaan arimaha Nabadeenta Gaalkacyo iyo waxyaabaha kusoo kordhay iyo sidii halkooda looga sii wada lahaa.

kulanka oo wali socda ayaa waxaa goordhaw la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan waxyaabaha ay kawada hadleen labada Madaxda labada Maamul.

Sikastaba ha ahaate waa kulankii ugu horeeyay ay yeshaan labada Madaxweyne tan iyo markii uu fashil ku soo dhamaaday shirkii wada-tashiga ee u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada kaas oo ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka