DEG DEG – Jubbaland oo ka hadashay khilaafka Kenya iyo Soomaaliya. ( Daawo )

Maamulka Jubbaland oo markii ugu horraysay ka hadlay mowqifkooda khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in dowladda dhexe ay uga fadhiyaan waxa u xumeeyey xiriirka labada dal-sida uu saxaafadda u sheegay madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan.

‘’Dabcan waad ogtihiin 30-kii sano ee ugu danbeeyay annaga iyo Kenya waxaa naga dhaxeeyay, iskaashi amni iyo xiriir wanaagsan, wixii kallifay in uu xiriirkaasi xumaado waxaan rabnaa in ay dowladda Soomaaliyeed caddeyso, ‘’ ayuu yiri madaxweyne kuxigeen Maxamuud.