Video:-Karaash Oo laba Wado Laamiya ka dhagax dhigay Qardho

Axmed Cilmi Cismaan Karaash Madaxweyne Ku xigeenka Dawlada Puntland ayaa Magaalada Qardho ka dhagax dhigay labo wado oo laami ah iyo dhisme lagu samaynayo hal xarun oo dawladu leedahay.

Duqa Degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan oo ugu horayn goobta ka hadlay wuxuu ka warbixiyay Mashaariicdaan la dhagax dhigay wuxuuna sheegayn in Mashaariicdaan ay yihiin kuwii degmada Qardho ay sanadkaan ka heshay Mahshaariicda JBLG isla markaan qorshuhu yahay in sanadkaan dhamaadkiisa lasoo afmeero. duqu wuxuu tilmaamey in ay samayn doonaan korjoogtayn iyo ka faaidaysasho muuqata oo la xiriirta hanaanka loo hirgelinayo Mshaariicdaan.

Mr Mark Maamulaha Mashruuca JBLG ahna sarkaal sare oo ka tirsan hay’ada ILO isla markaana ka mid ah hay’ada qaybta ka ah dadka bixiya deeqaha wuxuu Puntland ku amaanay siday heeganka ugu tahay ka faaidaysashada mashaariicda, wuxuu u rajayn reer Qardho in ay ka faaidaysan doonaan mashriicdaan sida loogu talagalay.

Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Puntland Cabdiweli Xirsi oo ka hadlay munaasabada dhagax dhiga wuxuu tilmaamey in dawlada ay ka goantahay ka faaidaysashada mashaaricda JBLG , isla markaana y masuuliyad adag iska saarayaan daahfurnaantiisa. wuxuu kaloo tilmaamey wasiirku in ay ku dadaalayaan sidii deegaanada aysan weli gaarin mashaariicdaas looga hirgelin lahaa.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo gabagabadii ka hadlay Dhagax dhiga wuxuu ku amaanay Qardho kaalinta ay sanad walba ka gasho qiimaynta mashaariicda JBLG oo uu sheegay in ay hormuud u tahay, sidoo kale wuxuu sheegay in Wasaaradaan uu horay uga soo shaqeeyay si wanaagsana ula socdo hawlaha la wado,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka