Shirkii billaha ee Garsorka Jubbaland Oo Kismaayo lagu qabtay

Shirkaan oo ah mid bille ah oo ay yeeshaan Garsoorka Jubbaland, ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha degmada Kismaayo, gobolka Jubbada Hoose iyo Maxkamadda sare ee Jubbaland.

Ujeedka kulanka ayaa ah dardar gelinta habsami u socodka howlaha adeega Garsoorka ee maxkamadaha Jubbaland.

Kulanka oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Xoghayaha Garsoorka Jubbaland Cabdullaahi Cabdiqaadir Qaanuuni, wuxuuna sheegay in muhiimadda kulanku ahayd sidii dadka Jubbaland u heli lahaayeen garsoor hufan.