Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa maanta bilowday tallaalka ka hortagga cudurka shuban biyoodka

Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa maanta bilowday tallaalka ka hortagga cudurka shuban biyoodka kaas oo ay Wasaaraddu ka bilowday xaafadda Midnimo oo ka mid ah goobaha ay deggan yihiin dadkii kasoo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenyai iyo goobaha ay deggan yihiin dadkii ku barakacay gudaha dalka iyo deegaanada dhaca waqooyiga gobolka Jubbada Hoose sida Goobweyn, Yoontooy, Buulo-guduud iyo deegano kale.

Qaar ka mid ah dadkii maanta ka faa’iideystay tallaalka ka hortagga xanuunka Shubanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu baahnaayeen daawadaan ka hortagga ah, waxayna u mahadceliyeen Wasaaradda Caafimadka Jubbaland.