Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallo ka socda Sh/hoose

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkaas ayaa waxaa horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali( Najax) ,waxana Ciidamada ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka xarshanleey,sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.

“Hawlgal aan ku gaarnay deegaanka xarshanleey ee degmada Baraawe halkaas oo kooxda nabad diidka ay ka soo abaabulayeen falal lagu dhibaataynayo shacabka caasimada KGS.waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka sidoo kale waxaan bogaadinayaa ciidamada DANAB oo nabad diidka ka saaray deegaanka ceel saliini ee degmada MARKA ayuu yiri guddoomiye Najax.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in howlgalalda ay Ciidamada Dowladda ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta Al-Shabaab ay ka saarayaan.

Si kastaba howlgalkan ay Ciidamada Dowladda kula wareegeen deegaano Cusub ayaa kusoo aadaya xilli shalay howlgal ay ciidamada DANAB ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Marka ay kula wareegeen deegaanka Ceel-Saliine ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.