Xuska 1-da luulyo oo xalay si weyn looga xusey Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa xalay si weyn looga xusay munaasabadda xuska 1-da luulyo oo ku beegan markii ay gobolada Koonfureed xorriyadda ka qaateen gumaystahii Talyaaniga iyo midowga labada gobol oo ay ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xafladda xuska 1-da Luulyo waxaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo, waxaana kasoo qayb galay boqolaal dadweynaha kuwaas oo ay ka muuqatay dareen waddani-nimo.

Waxaa sidoo kale xafladda goob-joog ahaa Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo katirsan goleyaasha Dowladda.

Saacaddu markii ay ku dhacday 12-ka habeenimo ayaa la saaray calanka, waxaana lala istaagay astaanka calanka iyo Qaranka.

Dhammaan madaxdii xafladda ka hadashay oo uu kamid yahay Kusimaha Madaxeynaha ayaa qiiro leh uga hadlay qiimaha ay 1-da Luulyo u leedahay guud ahaan umadda Soomaaliyeed.