Madaxweynaha Jubbaland oo Daah-furay Carwada Bandhiga Buugaagta Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybgalay maalinka koobaad ee furitaanka Bandhiga Carwada Buugaagta ee Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay Buugaagta lagu soo bandhigay #KBF2019 isagoo qaar kamid ah qorayaasha buugaagtan ka gudoomay buugag ay qoreen waxaa kale oo Madaxweynahu uu halkaas kasoo iibsaday qaar kamid ah buugaagta lasoo bandhigay.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu goobtaas Khudbad ugu jeediyay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha Bandhigan isagoo sheegay in uu Aad ugu faraxsanyahay in uu goobjoog ka noqdo Carwadan oo ah tii Sadexaad ee ay hirgaliso Madasha Maan kulan.

Carwada bandhigga buugaagta Kismaayo wuxuu soo maray marxalado kala duwan waxaana markii ugu horreysay laga hirgaliyay magaalada Kismaayo 21 iyo 22 2017, waxaana markii ugu horreysay lagu beegay maalinta afka Soomaaliga, waxaana kaso qayb galay 15 qoraa oo kala yimid Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Nairobi, Canada iyo meelo kale oo dalka iyo dibadisa ah iyo marti sharaf kala duwan oo iskugu jira reer Kismaayo dad kale oo kala yimid.

“Soomaaliya maanta waxay maraysaa meel lagu faano marka la eego dhanka waxbarashada, akhriska, qoraalka iyo dhiirigalinta joogtada ah ee ay bulshadu iyagu isku sameeyaan, Waxaana boggaadinayaa dhammaan bandhig buugaageedyada kala duwan ee sannad walba lagu qabto magaalooyinka waa weyn ee dalka sida Muqdisho, Caddaado, Garoowe, Hargeysa, Baydhabo” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in burburkii dalka ka dhacay uu sameeyay qaybo badan oo kamid ah waxyaabaha Aas Aasiga ah balse hada laga soo kabanayo oo Soomaaliya hormar la taaban kahor ay gaadhay sanadahii u danbeeyay.