DEG-DEG: Ra’iisulwasaare Kheyre oo loo diiday Gaalkacyo & Ciidan xiray

Wararka ka imaanay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Ciidan careysani ay xireen Wadada isku Xirta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo Galinsoor.

Ciidamada oo wata Gaadiid dagaal ayaa diidan Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku tagayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Saraakiisha Hogaminaysa Ciidankan oo la hadley Saxaafadda ayaa Xaqiijiyay inay kasoo horjeeddaan imaatinka Ra’iisulwasaare Kheyre ee Gaalakcyo.

Maamulka iyo Shacabka Koonfurta Gobolka Mudug, ayaa uga digay Ra’iisulwasaare Kheyre inuu yimaadoKoonfurta Gaalkacyo, waxaana wararku sheegayaan inuu Kheyre iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ay ka dhaga adeegeen dalabka Dadka Koonfurta Gaalkacyo.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.