Video:-Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddiga wada-hadalada DF Somalia iyo Somaliland (Akhriso)

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddiga Dhab u heshiisiinta iyo Wada Hadalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.Xubnaha guddiga ayaa ka kooban lix xubnood oo isugu jira xubno xilal hore u soo qabtay iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya dowladdii KMG aheyd.

Haddaba halkan hoose ka akhriso magacyada Guddiga oo u muuqda kuwo lagu salleeyay habka awood qeybsiga ee 4.5

1-Xil. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Guddoomiyaha guddiga.
2-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) Guddoomiye kuxigeen.
3-Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow)
4- Dr Cali Siciid Fiqi
5-S/G: Axmed Jaamac Muuse
6-Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli

Magacaabida Guddigan qaabilsan Wada hadalada Somaliland ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu hakad ku jiray wada hadaladii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka