Beesha caalamka oo digniintii ugu adkayd ugudbisay Farmaajo

Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirada,ayaa looga xaajooday arimo ay ugu waa weynaayeen dhawr qodob oo kala ah sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan Villa Somaliya.

1.Dhamaystirka Dastuurka Fadaraalka ah.2.Udiyaar garowga doorashada 2021.3.Qorshaha dayn ka cafinta Somaliya

Dhanka kale warar hoose oo aan ka helnay ilo xog ogaal ah,waxay noo xaqiiijiyay in Danjirayaashu Farmaajo ugudbiyeen saluuga iyo walaacooda sida xaalka dalka yahay.

Gaar ahaan waxay Danjirayaashu Madaxweyne Farmaajo hor dhigeen dhaliilo waa weyn oo ku aadan sida wax usocdaan..

Beesha caalamka waxay ka niyad jabsan tahay hanaanka ay wax uwadaan madaxda Dowlada dhexe,iyadoo doorashadii dalku ka harsan tahay Hal-sano,isla markaana aysan Dowlada Dhexe wax qorshaha oo la taaban karo aysan ka lahayn.

Dhamaan qodobadii loo doortay Madaxweyne Farmaajo in uu dhamasytiro xiliga shaqadiisa,ayuusan waxba ka qaban,sida..

B.Dhamaystirka Dastuurka Fadaraaliga ah.

T.Ka xoraynta Alshabaab qaybaha ay ka arimiyaan ee Dalka.

J.Dhamaystirka wada xaajoodka Somaliland.

X.Diyaarinta Doorasho qof iyo cod ah.

Kh.Diyaarinta maqaamka caasimada Somaliya.

Kulankan waxuu kusoo aaday,iyadoo isla maanta Gudoonka Baarlamaanka Fadaraaliga ah ku gacansayray in sidiisa lagu ansixiyo qorshe doorasho oo ay soo diyaarsadeen Fahad iyo Farmaajo.

Sidoo kale maalin ka hor ay Somaliland iyo Puntland ganafka ku dhufteen Gudi wada xaajood oo uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan iyo natiijada kasoo baxda wararkayaga danbe,ayaan idnkula wadaagi doonaa.