VIDEO: Maxkamada sare ee Puntland oo mudaysay gar-maqalka Kiiskii Caa’isha Ilyaas

Maxkamada sare ee Dowladda Puntland ayaa mudaysay gar-maqalka Kiiskii Maxruumad Caasha Ilyaas Aadan, oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah oo fal isugu jira Afduub, kufsi iyo Dil loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax oo Saxaafadda la hadlay maanta ayaa sheegay in Maxkamdda Sare ee Dowladda Puntland ay u fariisan doonto 17 bisha August ee soo socota, dhageysiga Racfaanka ay qaateen xukumanayaasha Kiiska oo horey Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobalka Nugaal iyo Maxkamadda Racfaanku ay ugu rideen Xukun dil ah.