VIDEO: Axmed Karaash oo daah-furay Shirka dib-u-eegista Adeeg bixinta baahsan (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ka daah-furay Shirka dib u eegista Mashaariicda adeeg baahinta Baahsan ee Dawlada Hoose iyo Dawlada dhexe.

Madaxweyne karaash ayaa sheegay in inta uu socdo Shirka dib loogu eegayo Mashruuca Adeeg bixinta Degmooyinka Puntland, guulaha laga gaaray, caqabadaha jira iyo Hiigsiga Mustaqbalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay Masuuliyiinta ka qeyb-galaya Shirka dib u eegista Mashaariicda adeeg baahinta Baahsan ee Dawlada Hoose iyo Dawlada dhexe inay la yimaadaan Qorshe lagu gaarsiinayo Mashaariicda hormarineed Degmooyin cusub.