Dilka ka dhacay Dalka Maraykanka

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in qof hubeysan uu gelinkii dambe ee shalay ugu yaraan 3 ruux ku dilay goob uu ka socday Mahrajaanka Tuunta oo ku taalla Goblka California ee galbeedka dalka Mareykanka.

Saraakiishu waxa ay intaasi ku dareen in qofka dilka geystay uu ku hubeysnaa qori. Weerarkan oo ka dhacay magaalada Gilroy ayaa waxaa ku dhaawacmay 15 qof oo kale.

Sida uu sheegay taliyaha Booliska Gilroy Scot Smithee, waxaa goobta ay toogashadu ka dhacday ku sugnaa ciidamo Boolis ah oo durbadiiba ninka weerarka gaystay toogasho ku dilay .

Smithee oo shir jaraa’id qabtay ayaa wariyayaasha u sheegay in goobjoogayaal ay bileyska soo gaarsiiyeen qof labaad oo la tuhunsan yahay, hase yeeshee ilaa iyo hadda aanay iyagu xaqiijin inuu jiro qof labaad oo weerarka ku lug leh.

Dadkii usoo daawashada tagay Mahrajaanka ayaa laga dalabday in ay maraan baaritaan dhinaca Amniga ah, kaasoo loo adeegsanayo qalabka lagu ogaado biraha iyo baaruudda. Sidoo kale waxaa la baarayaa boorsooyinka ay dadku sitaan.

Smithee waxa uu sheegay in ninka weerarka lagu tuhunsan yahay uu jaray silig ku wareegsanaa halka uu Mahrajaanku ka socday, halkaana uu kasoo galay

Baarayaasha oo ilaa xalay ku howlanaa dhacadanan ayaanay ilaa iyo hadda u suurto-galin in ay ogaadaan sababta ka dambeysa weerarkan.

Xigasho:-VOA.