VIDEO: Ciidanka AMISOM oo looga digay Fara-gelinta Doorashada Jubbaland

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan yare) ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in jubbaland ay xilligaan joogto in loo madax banneeyo doorashada, isla markaana aan wax faragelin ah lagu sameyn.

Xildhibaan Xasan Yare ayaa sheegay in jubbaland ay leedahay Ciidamo kala duwan, sida Boolis, Nabadsugid iyo Ciidamo kale, hayeeshee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo uu uga digayo in loo adeegsado doorashada, balse ay qaataan doorkooda oo ah la-dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo sii hadlayay ayuu sheegay in Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo kaliya ay ku Shaqeyn karaan amarka Hoggaanka Jubbaland, balse aan loo adeegsan waxyaabo kale oo la xiriira dhinaca Siyaasada.

Hadalka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa kusoo aadaya xilli maalmahaan la hadal haayay in Ciidamada Itoobiya oo ka mid ah AMISOM eek u sugan Kismaayo ay faragelin ku sameynayaan doorashada Jubbaland si la mid ah dhacdooyinkii ka dhacay Magalada Baydhabo.