Taliyaha Ciidanka AMISOM oo gaaray Kismaayo

Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Gen. Ticabu Yilma iyo wafdi saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbland.

Wafdigan ka socda Taliska AMISOM ee Midowga Afrika ayaa socdaalkooda Kismaayo ku soo aaday xilli xasaasi ah oo la filayo in dhowaan doorasho ka dhacdo magaaladaas.

Saraakiisha uu hoggaaminayo Taliyaha AMISOM ayaa xilligan kulamo la leh Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadlaya arrimaha ammaanka iyo doorashooyinka.

Sidoo kale, Wafdigan ka socda Midowga Afrika ayaa kulamo la qaadan doona Guddiga doorashada Jubbaland iyo Musharaxiinta, waxaana la filayaa inay kormeeraan qeybo ka mid ah magaalada.

Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo dowladda Federaalka ayaa isku khilaafsan hannaanka doorashada, iyadoo Jubbaland ay ku doodayso inay u madax bannaan tahay nidaamka doorashada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso arrimaha ka jira Jubbaland, isla markaana muddooyinkii u dambeeyay ay waday qorshe ay mid ka mid ah dalalka deriska ugu adeegsanayso arrimaha Jubbaland.