Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Masuuliyiin cusub (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa magacaabay Agaasime waaxeedyo katirsan Wasaarada Arimaha Gudaha ,Federaalka Iyo Dimuqraadiyeenta Dowladda Puntland.
Saddexdan Agaasime waaxeed ee uu Magacaabay Madaxweyne Deni ayaa kala ah:

  1. Waxaa Beexaani Axmed Bare loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ( IDPs and Rufugee) .
  2. Waxaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeenta .
  3. Waxaa Cabdulqaadir Cabdimaalik loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Nabadeynta Iyo Dib u Heshiisiinta,