DEG-DEG: Dagaal culus oo ka socda Degaanka Daynuunay

Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Daynuunay ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay dagaal culus ku qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degaankaasi.

Dagaalkan u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Kuwa koonfur galbeed oo dhinac ah iyo Shabaab ayaa bilowday Saakay, sida ay sheegeen Dadka Degaanka, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay dagaalka, waxaana ay sheegeen in hadda u socdo dagaal xooggan oo ay kula jiraan Al-Shabaabkii soo weeraray.

Xoogaga Shabaab ayaa la sheegay daqiiqado inay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunay, waloow markii dambe dib looga saaray degaankaasi.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkan dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Shabaab, waxaana weerarkan uu noqonaya kii ugu cuslaa oo Shabaabku Ku qaadaan Daynuunay muddooyinkii ugu dambeeyay.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News