Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Gobalka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey maleeshiyada Al-shabaab.

Saaka waaberigii ayay deegaanka soo galeen ciidamadan oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay qabteen sadex nin oo la shaqaynayey maleeshiyada xagjirka ah ee Al-shabaab.

Hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad ayaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad basaas u ahaa xagjirka iyo kuwa ka tirsanaa.