Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Degaanka Biriire

Dagaal culus ayaa xalay ku dhexmaray degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose, Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ay ku leeyihiin duleedka degaanka Bariire, halkaas oo dhowr bilood ka hor ay Ciidanka dowladda la wareegeen.

Dadka degaanka ayaa ku waramaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaas kasoo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aan weli la ogaanin maadaama xilliga dagaalka uu dhacay ay aheyd habeen.

Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda,isla markaana ay uga dileen in ka badan 20 dagaal yahan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab oo ku aadan Dagaalka xalay Ciidamada Dowladda ay kula galeen degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose