Ahlu-sunna oo ka walaacsan in Al-Shabaab xubno sare ku yeeshaan Galmudug DFS ay dhisayso

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa shir guddoomiyay kulan ay xalay magaalada Dhuusa-mareeb ku yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug, kaas oo looga hadlay Arrimo la xiriira Amniga & Shir dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

Kulanka ayaa warbixino kala duwan  looga dhageystay Wasaradaha Amniga, Arimaha gudaha, dib’ushiisiinta, waxbarashada, dhalinyarda, ciyaaraha iyo caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar, oo faah faahin ka bixinayay qodobada kasoo baxay shirkaas ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug, oo marar badan uu dib u dhaca ku yimid.

Sidoo kale, Wasiir Duraan sheegay in qeyb ka mid ah Ergooyinka shirka dib u heshiisinta Galmudug ay tageen deegaano ay maamulkaan Al-Shabaab, isla markaana fikrado khaldan ay la dhex imaan doonaan dhismaha Maamulka Cusub ee Galmudug, ayna ka cabsi qabaan in Xubno la Shaqeeya Al-Shabaab ay ka mid noqdaan Galmudug.

Waxaa uu intaas ku daray, inay qabaan Walaac ku aadan sida uu u socda Shirka dib heshiinta Beelaha Galmudug oo uu sheegay in la baalmaray habraacii loogu talagay.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar ayaa sheegay in siweyn looga hadlay amniga Magalada Dhuusamareeb oo uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay dib u dhac ka jiray, waxaana la faray dhamaan Golaha Wasiirada Galmudug in ay Shaqadooda ay sidii  caadiga ahayd u gutaan