Kenya oo Baarlamaanka Jubbaland Ku amaantay dib u Doorashada Axmed Madoobe (War-saxaafadeed)

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa hambalyo loogu diray Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam, kaas oo dib loogu doortay Doorasho shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Kenya ayaa ammaan u jeedisay Baarlamaanka Jubbaland, Hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo diinta iyo qeybaha bulshada reer Jubbaland, sida nabadda leh ah ee ay ugu qabsoontay doorashada.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka Kenya ayaa lagu sheegay inay weli diyaar u tahay mar walba inay taageerto, iyadoo oo la jaanqaadeysa siyaasadeeda aas aasiga ah xoojinta deris wanaagga, isla markaana la sii wado nabadda iyo xasilooni waarta inay ka hirgasho Gobolka.

Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday Maamulka Jubbaland inay si dhow ula shaqeyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si meesha looga saaro fikradaha kala duwan, iyadoo la raacayo dastuurka federaalka iyo qaab dhismeedka sharciga, si loo galo marxalad cusub oo dib u heshiisiin ah.