Soomaaliya oo diiday in Midowga Afrika uu dhexdhexaadin ka galo muranka badda

Dowlada Soomaaliya ayaa diiday guddiga midowga Afrika u qaabilsan arrimaha badaha iney soo hordhigaan kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibbada dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in dacwada u sheegay in dacwadan ay hortaalo Maxkamada Caalamiga ah ee ee ICJ oo aysan jirin sabab uu Midowga Afria uu arrinkan ku dhex galo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ku sheegtay in aaney munaasib aheyn in la aqbalo codsiga midowga Afrika xilli dacwada badda ay dhageysigeeda taalo maxkamadda ICJ.

Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay qoraalkeeda in Maxkamadda ay ku adkeysay go’aan ka gaarista dacwada, isla markaana aaney wax heshiis ah arrintan kala geli-doonin kiiska badda.

Maxkamadda ICJ ayaa u fariisan doonta wareegga 2aad ee dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya September 9-13 bisha soo socota.

Dowlada Kenya ayaa bilowday cadaadis xoog leh oo ay ku saareyso wadamada qaarada Afrika sidii wadahadal looga geli lahaa muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya waxaana haddii ay dacwadan ku guuleysato dowlada Soomaaliya ay Kenya ku weyn doontaa kala bar bad ay is lahaysiisay.