VIDEO: Maxaad kala socotaa Dagaal Puntland ay ku hayaan Madaxda DF Soomaaliya ?

Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dagaal kula jiraan Nabadda iyo Hormarka Shacabka Degaanada Puntland.

Xildhibaanka oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada XF Soomaaliya ay Ardayda Puntland u diiday shahaado jaamacadaha dibadda ah ay ku aadaan.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise ayaa tilmaamay in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay u diideen dadka Reer Puntland Waraaq taageero ah, si maal-gelin caalami ah iyo taageero ay u hesho Dekedda Garacad oo si isku tashi ah ay u dhisanayaan Shacabka Puntland.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise ayaa ugu baaqay Bulshada Puntland inaan lagu khaldin wadaniyad been ah ayna ilaashadaan Nabadda iyo Midnimadooda oo duulaan lagu soo qaaday.