Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Degmada Buulo-Burde

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab, ayaa xalay ka dhacay Degmada  Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde.

Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada  Buulo-Burte Cismaan Geedi, ayaa sheegay inay dhankooda iska difaaceen weerarkii xalay kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Guddoomiye Geeddi ayaa intaas ku daray in rasaasta ay kasoo rideen Al-Shabaab dhinaca Galbeed ee degmada Buulo-Burde, aysana Ciidamada wax khasaaro ah kasoo gaarin dagaalkii dhexmaray labada dhinac, haatana xaaladu ay tahay mid degan.

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan weerarkan oo weli kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee degmada Buulo-Burde iyo Kooxda Al-Shabaab, waxaana uu weerarkan kusoo aadayaa xilli shalay gelinkii dambe ay Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM la wareegeen deegaanka Buurweyn oo hoostaga degmada Buulo-Burde, kana qabsadeen Al-Shabaab.