VIDEO: Guddoomiye Cabdi xaashi oo ka hadlay kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay kulan uu dalka Jabuuti kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Guddoomiye Mursal mar kale ay si wadajir uga hadleen arrimaha Baarlamaanka iyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii horey u dhexmaray labada Guddoonka,kadib markii uu Khilaaf ka dhex jiray in muddo,hayeeshee xal laga gaaray.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu tilmaamay in labada Guddoonka ay isla garteen inay Baarlamaanka labada Aqal ay si wadajir u wada shaqeyaan,maadama ay horyalaan howlo badan oo u baahan in la dhameystio.