Taliye ku-xigeenka Booliska oo kasoo muuqatay Maxkamdda Al-Shabaab (Warbixin)

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen, ayaa kasoo muuqatay Maxkamad Ururka Al-Shabaab ay ku lee yihiin Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen Ilo rasmi ah.

Jen. Zakiya Xuseen ayaa loogu yeeray muran lahaansho guri oo dhex-maray qof shacab ah, kaddib dacwad laga geeyay Maxkamada Al-Shabaab ee Torabora.

Ilo wareedyada ayaa sheegay in Al-Shabaab ay fariin u dirtay Jen. Zakiya, taas oo loogu sheegay in dacwad ka taalo Maxkamada Walaayada Al-Shabaab ee Gobalka Banaadir, taas oo ay ka gaabsatay.

Al-Shabaab ayaa intaas kaddib wacay Jen. Zakiya Xuseen, waxaana loogu sheegay inay timaado Maxkamada, iyadoona loo sheegay in aysan ka baaqsan karin Maxkamada oo ay tahay in ay timaado.

“Jen. Zakiya Xuseen waxaa loo asteeyay goob ay timaado oo laga soo qaadi doono, kadib waxaa goobtii kasoo qaaday Baabuur,kaasoo geeyay Torabora fariisinka Maxkamada Al-Shabaab” ayuu yiri ruux katirsan sirdoonka caalamiga ah.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa intaas kaddib u fariisatay dacwada loo heystay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska, taas oo ugu dambeyntii ay ku guuleysatay, waxaana loo xukmiyay gurigii, iyadoona sidoo kale la siiyay 400 Dollar oo kiro ah.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Jen. Zakiya Xuseen, ayaana ugu dambeyntii la keenay goobtii horey looga qaaday, iyadoona intaas kaddib ay ogaadeen Hay’adaha ammaanka, kuwaas oo u la wadaagay Xafiisyada Madaxda sare.