Kenya oo dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga Kiiska Dacwadda Badda

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u dalbatay in la hakiyo dhageysiga kiiska dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, kaasoo lagu wado in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ay bilowdo 9-ka bishan.

Sida uu qoray wargeyska Dailynation ee ka soo baxay dalka Kenya, dowladda Kenya ayaa codsigeeda qiil uga dhigtay inay dooneyso in waqti ay ku qoroto qarreeno cusub.

Kenya ayaa la rumeysan yahay inay qabto dareen ku aadan in looga guuleysanayo dacwadaas, isla markaana uu fashil ka soo gaari doono damaceeda Badda Soomaaliya, sidaasna ay dooneyso in loo hakiyo, si ay u sameyso wada xaajoodyo meelo kale ay u marto.

Dowladda Federaalka ayaa diidan in dib loo dhigo dhageysiga dacwada, waxaana ay qorsheysay in wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ay u dirto magaalada Hague, si ay goobjoog uga noqdaan dhageysiga dacwada Badda oo qorshuhu yahay inuu bilowdo 9-ka bisha, isla markaana soo gabagabowdo 13-ka bishan.