Shirka Dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug oo ka furmaya Dhuusa-mareeb

Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug, ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Shirkan oo looga hadli doono ,sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay, doorka ay dowladda Federaalka ku yeelaneyso dhismahaas iyo qodobo kale, ayaa la filayaa inuu furro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ergo ka socota qaar kamid ah beelaha dega degaanada Maamulka Galmudug, ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, si uga qeyb noqdaan Dhismaha Galmudug-ta cusub ee ay waddo Xukuumadda Federaalka.

Shirkan dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug ayaa dhowr mar dib u dhac uu ku yimid kaddib markii ay diideen beelaha qaarkood inay soo diraan Ergadooda.

Ammaanka Magalada Dhuusamareb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Magaaladaas ku sugan Ciidamada Dowladda oo isugu jira, Millateri, Boolis iyo Nabadsugid, sidoo kale waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka kala socda dalalka Jabuuti iyo Itoiobiya.