Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Garbahaarey

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa xalay ku dhacay Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmada Garbahaareey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan hal Saacad.

Dadka Degmada Garbahaareey ayaa ku waramaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaas kasoo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aan weli la ogaanin maadaama xilliga dagaalka uu dhacay ay aheyd habeen.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana weerarka uu ahaa mid ay ka warhayeen,kadib markii lala soo wadaagay weerarka kusoo wajahan.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in dagaalka ka dhacay degmada Garbahaareey ay Shabaab uga dileen laba qof, sidoo kalena ay ka furteen saddex qori oo mid ka mid ah uu yahay Qoriga Sabanka ama Baasuukaha,sidoo kalena dhinacooda uu jiro khasaaro dhaawac ah.

Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo saarin dagaalka xalay Ciidamada Dowladda ay kula galeen degmada Garbahaareey ee Xarunta ee Gobolka Gedo,waxaana wararka aan saaka heleyno ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay duleedka Garbahaareey saakay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.