VIDEO: Puntland “Baasaboor DFS wuxuu hareer marsan yahay nidaamka Federaalka”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyoD Dilmuquradiyaynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa si adag uga hadlay xaalada siyaasaddeed ee Soomaaliya iyo nidaamka Federaalka.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee haatan jirta aysan ka go,neyn hir-gelinta nidaamka Federaalka, isagoona tilmaamay in loo baahan yahay in laga dhabeeyo wixii lagu heshiiyay.

Sidoo kale, Wasiir ayaa tibaaxay in Dastuurka Dalka uu hareermarsan yahay nidaamka Federaalka ee lagu heshiisayay, taas oo uu sheegay inay tahay arrimaha illaa hada taagan.

Wasiir Arrimaha Gudaha, Federaalka iyoD Dilmuquradiyaynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu shalay ka qeyb-galayay Munaasabad lagu furayay xafiis Wasaaradda Dibedda DFS ay ka hir-gelisay Garoowe.