Ciidanka Jubbaland oo qorka u saaran Degmada Jamaame (Sawirro)

Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howl gallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galladan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamada Jubbaland ka fuliyeen deegaano hoos yimaada degmada Jamaame sida Bandar-Jadiid, Maleelay, Janaala-Jaay, Koban iyo Araare oo dhamaantood ah deegaano dhaca wabiga Jiinkiisa.

Ciidamada Jubbaland oo kaabiga u saaran degmada Jamaame ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanada Bandar-Jadiid Janaala-Jaay iyo Maleelay.

Tira ka mid ah Malleeshiyaadka ayaa howl-galka lagu khaarajiyay sida uu sheegay Afhayeenka Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibarahim Xuseen Weerarkii shalay waxaa lagu dilay ilaa 13 ka mid ah Maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab.