Soomaaliya oo ka gudubtay dib-u-eegista Wajiga 4-aad ee Barnaamijka SMP

Hay’adda lacagta Adduunka IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay dib u eegista qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee Barnaamijka SMP ee la socodka Shaqaalaha, kaasoo qeyb ka ah barnaamijka deynta looga cafinayo Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay ay IMF  in loo gudbi doonaa qeybta labaad ee Barnaamjika SMP si loo si waddo qorshaha deynta Cafinta Soomaaliya.

“Kadib wadahadalo wax ku ool ah, kooxda IMF iyo mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay gaareen heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dhammaystirka dib-u-eegista koowaad ee SMP. Heshiiska waxaa ansaxinaya oggolaanshaha maamulka IMF” ayaa lagu yiri War kasoo baxay IMF.

“Kobcinta dhaqaalaha waxaa la saadaalinayaa inuu si xasiloon u deganaan doono 2.9 boqolkiiba sanadka 2019. Sicir-bararka ayaa la saadaalinayaa inuu si ku-meel-gaadh ah u kordho illaa 4.0 boqolkiiba sanadka 2019 sababtoo ah sicirka cuntada oo aad u sarreeya dartood roobka oo xumaaday horaantii sanadka” ayaa sidoo kale lagu xusay Warbixinta.