VIDEO: Madaxweyne Farmaajo “Musuq-maasuqa kaliya ma ahan lacag la xado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa kadib xaflad lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Qaranka waxaana uu noqonayaa sharci rasmi ah oo la isticmaalo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad-celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

“Musuq-maasuqa kaliya ma ahan lacag la xado waa in qofku masuuliyadda uu hayo si xun ugu takri falo oo si shaqsi ah isagoon ilaahay ka baqeynin isagoon masuuliyadda loo dhiibay tixgalineynin” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin wasiiro,xildhibaano,saraakiisha ciidanka, sharci yaqaano,culimada diinta iyo ganacsato sidoo kale ururada bulshada rayidka waxaana aad loo wada bogaadiyay in sharcigaan la helo.