Faah-Faahin: Ciidamo Talyaani ah oo lagu qarxiyay Muqdisho.

Wararka ka imanaya degmada Hodon gaar ahaanna agagaarka Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay Qarax Miino ahaa.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mid kamid ah Gaadiidka ay wateen Ciidamada Talyaaniga lagu weeraray qaraxaasi, waxaana jira khasaare soo gaaray ciidanka.

Sidoo kale qaraxaasi ayaa la sheegay inay wax ku noqdeen dad Shacab ah oo qaarkood saarnaa Mooto Bajaaj iyo Gaadiid kale oo midka daweynaha ah,waxaana dhaawacyada dadka ku waxyeeloobay loo qaaday Isbitaallada Magalada muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo hakiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka wadadaasi isticmaalayay,kuwaas oo wada howlo baaritaano ah.

1dii October 2018-kii ayey ahayd markii sidan oo kale isla goobtan lagu qarxiyay Ciidamo Talyaani ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.