Germalka oo ka qeyb qaadanaya Tayaynta Caafimaadka Puntland (Sawirro)

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland Jamac Farah Xasan, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaarada iyo Agaasimaha waaxda Qorshaynta Dawlada Puntland ayaa kormeer ku sameeyay xarunta caafimaadka Gambool ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Waxaa Kormeerka qayb ka ahaa Wafti ka socda Waasaarada Horumarinta Xiriirka Dhaqaalaha Germalka iyo Horumarinta Bankiga Germany oo Mashaariic ka waday Puntland, gaar ahaan Dhanka Caafimaadka ayaa booqday Xarunta Caafimaadka ee Gambool Garowe.

Waftiga oo ay kamid ahaayeen xubno ka socda hay’adda UNICEF, ayaa u kuur-gal ku sameeyay qaybaha kala duwan ee MCH Gambool, waxaana ay mareen dhamaan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay.

Wasiirka ayaa dhankiisa soo dhaweeyey shaqada wanaagsan ee ay Puntland ka hayaan Dawlada Germalka,waxaana uu ka codsaday inay labo jibaaraan kana caawiyaan dib udhiska iyo dayactirka xarumaha caafimaadka Puntland.

Waftiga ka socday Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka, ayaa kormeerkooda kaddib amaan usoo jeediyay Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada ay qabatay, waxaana ay sheegeen inay garab taagan yihiin sii hormarinta iyo dhismayaasha Xarumaha Caafimaadka Puntland.

Dawlada Germalka ayaa Puntland ka wada mashaariic waaweyn oo ay dib udhis iyo dayactir ka ku sameeyeen xarumaha caafimaadka.