VIDEO: Howlgallo culus oo ka socda Boosaaso

Ciidanka Ammaanka Dowladda Puntland ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland.

Howlgalka ayaa ahaa mid lagu baarayay gadiidka iyo dadwaynaha qaybahooda kala duwan, waxaana Ciidanku ay Gaadiidka ka fiiqayeen bacaha Madow ee gadiidka ku xiran ee bensolka loo yaqaaano.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa Howlgalkooda dagalamayay dhalinyarada dadka mobilada ka qaata iyo maandoriyasha la isticmaalo.

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari Xuseen Cali Maxamed, ayaa sheegay in howlgallo ay ka wadan Magaalada Boosaaso ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Boosaaso, waxaana Taliyuhu u mahad-celiyay dadka ku cawaynayay wadoyinka dhinacyadooda, isagoona Xussen kula dar darmay in amniga laga wada shaqeeyo.