Shirka SPF oo maanta ka furmaya Muqdisho (Akhriso Jadwalka Shirka)

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somali Partnership Forum) ayaa maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho, iyadoona uu fashilmay qorshihii shirka oo ahaa mid loogu tala-galay heer caalami.

Shirka oo soconaya Labo Maalmood ayaa noqonaya wajiga labaad ee shir lagu qabtay Brussels sannadkii hore, waxaana looga hadli doonaa Arrimaha Soomaaliya iyo Xaalada kasii dareysa ee ka jirta Koonfurta iyo Gobalada Dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), ayaa ka baaqsaday Shirkan, taas oo sababtay in Beesha Caalamku ay hoos u dhigto maqaamka dadka ku matalaya Shirkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Iyo Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa iyaguna go,aansaday in aysan tagin Shirkan, maadama ay ku fashilmeen in Shirku noqdo mid heer caalami ah oo lamid ah kii ka horeeyay ee ka dhacay Brussels, kaas oo ay isugu tageen Hoggaamiyayaasha Siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu iska diiday Shirka, kaddib markii uu socon waayay dalabkiisii ku aadanaa in Shirka lagu casuumo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, taas oo fashilisay dhamaan qorshihii loogu tala-galay Shirka.

Sida lagu muujiyay Jadwalka Shirkan waxaa furi doona Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka, iyadoona uu Shirku isku bedelay mid heer Wasiir ah.