Baarlamaanka iyo Xukuumadda Puntland oo isku diyaar-garoobaya (Warbixin)

Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa gobolada u kala diray guddiyo kala duwan oo warbixino kasoo diyaariya xaaladaha gobolada iyo in ay kormeer ku sameeyaan shaqooyinka hay’addaha xukuumada.

Guddiyadaan ayaa warbixinada ay kasoo diyaariyaan waxay horkeenidoonaan kalfadhiga soo socda ee furmidoona 25 bishaan Actober, kaasoo caadiyan lagula xisaabtamo xukuumada.

Warbixino horudhac ah oo ay guddiyadu kasoo diyaariyeen ayay walaac kaga muujiyeen xaaladaha xabsiyada Puntland ay ku sugan yihiin iyo xaalufka lagu hayo degaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Sidoo kale, Guddiyadan ayaa warbixino xasaasi ah ka diyaariyay xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Puntland haatan ku sugan tahay, walow aysan warbaahinta kasii daynin.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo dhawaan si kulul u canaantay Golihiisa Wasiiradda ayaa ku amray inay gobolada tagaan oo ay shacabka ay matalaan lasoo hadlaan kanasoo dhegaystaan baahiyaha ay qabaan.

Dhanka kale, Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa haatan u amba baxay gobolada, iyagoona dhinacooda ka diyaariyaan warbixintii xukuumadu la hortagi lahayd Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.