VIDEO: Puntland oo bilowday hab casri ah oo ay u diiwaan-gelinaysa Ciidankeeda

Iyadoo laga duulayo siyaasadda Xukuumadda Dowladda Puntland ee Tayaynta iyo Tirakoobka ciidamada Dowladda waxaa markii ugu horaysey lagu bilaabay ciidamada dowladda habka diwaangelinta casriga ah ee BIOMETRIC-ga.

Ciidamada Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa noqday Ciidankii ugu horeeyay ee Puntland oo habkan loo  lagu bilaabay diwaangelinta, waxaana sidoo kale loo gudbi doona Ciidanka kale ee Dowladda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa horey u sheegay inay Siyaasadda kowaad ee Xukuumadiisa ay tahay Tayaynta iyo Tirakoobka Ciidanka Difaacada Dowladda Puntland.