Madaxweyne Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u duulay Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa u amba baxay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweyne Deni oo hoggaaminaya waftigii ugu balaarnaa ee ka baxay Gudaha Soomaaliya, kana qeyb-galaya caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka duulay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, waxaana waftigiisa kamid ah Senatorro iyo Siyaasiyiin ay kamid yihiin C/rixmaan Faroole iyo Cali Xaaji Warsame.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland iyo Waftigiisa ayaa ka socota Magaalada Kismaayo, iyadoona aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada oo marti gelinaysa Wafuud balaaran oo ka qeyb-galaysa Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ee Magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmay iyadoo uu xalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka dalbaday in uu ka baaqdo caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe islamarkaana la dhammeeyo khilaafka Dowladda Puntland iyo Villa Soomaaliya.