Maraykanka oo dib u dhigay canshuurtii alaabta Shiinaha.

Maraykanka ayaa ogolaaday in uu dib u dhigo canshurihii uu ku soo rogi lahaa badeecada Shiinaha kadib wadahadal laba maalmood ka socday magaaladda Washingtong.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in wada xaajoodeyaashu ay gaaareen wajigii 1 aad  heshiiiska oo ay ka midtahay kordhinta iibsiga wax soo saarka beera iyo joojinta Technology-yadda.

Ninka Shiinaha u qaabilsan wada xaajoodka oo lagu magacaabo Liu He ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay horumarka la sameyay.

Maraykanku waxa u qorsheeyay in todobaadka soo socda uu 30% canshuur ah ku soo rogo alaabta shiinuhu u dhoofiyo gudaha Maraykanka.

Markii warkaan soo baxay ayaa suuqa saamiyadda ee Maraykanku uu sare u kacay, kaasi oo kaasi oo hoos u dhaciisu yimid markii uu billowday dagaalka ganacsi ee labada Dowladood.