Maraykanka oo qorshaynaya in uu saaro Turkiga cunaqabatayn xoog badan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta ballanqaaday “cunaqabateyn weyn” oo la saarayo Turkiga sababo la xiriira weerarka ay ciidamada dalkaas ku qaadeen Waqooyiga Syria ee ka dhanka ah Kurdiyiinta.

Si kastaba, Trump ayaa mar kale difaacay go’aankii uu dalkaas uga saaray ciidamada Mareykanka oo dagaalka ka dhanka ah Daacish kula jiray dagaalyahannada Kurdishka.

“Dad ma waxaa jira ay runtii la tahay inaan dagaal la galno Turkey oo xubin ka ah NATO?” ayuu Trump ku qoray bartiisa twitter.

“Dagaallada aan dhammaadka lahayn way dhammaan doonaan. Dadkii lugaha noo geliyey qaska Bariga Dhexe ayaa ah kuwa hadda doonaya inaan halkaas sii joogno.” Ayuu yiri madaxweynaha.

Trump aya adhinaca kale sheegay in laga yaabo in Kurdiyiinta “ay sii daynayaan qaar’ ka mid ah maxaabiista Daacish, si ay Mareykanka u dagaal geliyaan, balse waxa uu sheegay in si fudud ay dib ugu qaban karaan ciidamada Turkey ama dalalka Yurub ee ay ka yimaadeen.

Trump ayaa sheegay inuu hogaamiyayaasha congress-ka, oo ay ku jiraan dimoqraadiga kala shaqeynayo in cunaqabateyn dhaqaale la saaro Ankara.