Koofur Afrika oo ma saafurineysa Qaxooti Soomaali ah

Dowladda Koofur Afrika ayaa xaqiijisay in ay masaafurineyso in ka badan 11,000 oo qof oo Ajanabi ah kuwaas oo si sharci darro ah ku galay dalkeeda.

Ciidamada Booliska Koofur Afrika ayaa howlgallo kala duwan ka sameeyay dalka Koofur Afrika intii u dhaxeysay bilihii April ilaa September ee sanadkan waxaanaay gacanta ku dhigeen 11,455 oo qof oo shari darro ku joogay Dalka Koofur Aftika.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in ay weerarro ku qaadday Maqaayado, Hoteello, Bakhaarro, goobo ganacsi oo Jumlo iyo Tafaariikh ah iyo meelo kale islamarkaana xir xireen dad aad u farabadan.

Dowladda ayaa sheegtay in dhamaan dadka la xir xiray ee sharci darrada ku jooga Koofur Afrika dib loogu celinayo dalalkooda.

Bongani Bongo, oo ah Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha ee wasaaradda arrimaha gudaha Dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in dadka ay xireen u badanyihiin Waddamada kala ah; (DRC), Burundi, Nigeria, Somalia iyo Pakistan.

Inta badan dadkaas ayaa codsi weydiistay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR waxaana ay ka codsadeen in ay dib u dejin u sameyso.

Koofur Afrika waxaa ku nool qaxooti iyo magangalyo doon lagu qiyaasay 268,000 oo qof kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda dalalka kala ah; Somalia, Ethiopia, Zimbabwe iyo   DRC.